Madaxweynaha Puntland oo Yaasiin Cabdisamad u magacaabay duqa kumeelgaarka ee Gaalkacyo kadib markii uu kala diray golihii deegaanka

Duqa kumeelgaarka ee Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kala diray golihii deegaanka magaalada Gaalkacyo, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska madaxtooyada maanta oo Sabti ah.

Digreetada ayaa lagu sheegay in golaha deegaanka ay hanan-waayeen shaqadii loo idmaday sidaasna madaxweynuhu ku kala diray.

Madaxweynaha ayaa Yaasiin Cabdisamad u magacaabay duqa kumeelgaarka ah ee Gaalkacyo halka Cabdinaasir Cigaal Xirsi loo doortay ku xigeenka duqa , sida lagu sheegay digreetada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*