Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday labo agaasime oo katirsan haayadaha sirdoonka

 

Ciidamo katirsan Puntland. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xilkii ka qaaday agaasimaha Haayada Sirdoonka Puntand ee PIA Cabdirisaaq Ciise Xuseen oo loo yaqaan Khaatumo.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa sidoo kale xilkii ka ceyrshay agaasimihii Haayada Nabadsugida Puntland ee PSS Cabdullaahi Aadan Maxamed.

Madaxweynuhu ma uusan magacaabin agaasimeyaal cusub oo badala kuwa uu xilka ka qaaday, sida ay sheegayso digreetada madaxtooyada kasoo baxday maanta oo Arbaco ah.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*