Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka cayrshay guddoomiye ku xigeenkii gobolka Nugaal Qaasim Maxamed Cabdi

Qaasim Maxamed Cabdi, guddoomiye ku xigeenkii gobolka Nugaal. [Sawirka: Archive]
Qaasim Maxamed Cabdi, guddoomiye ku xigeenkii gobolka Nugaal. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xilkii ka qaaday guddoomiye ku xigeenkii gobolka Nugaal, Qaasim Maxamed Cabdi, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday madaxtooyada oo uu arkay warsidaha Puntland Mirror.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa Cali Salaad diiriye u magacaabay guddoomiye ku xigeenkii gobolka Nugaal, sida lagu xusay digreetada.

Dabayaaqadii sanadkii 2015-kii ayaa Madaxweynuhu Qaasim u magacaabay guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal kadib markii uu ka qaaday xoghayaha dowladda hoose ee Garoowe oo uu ahaan jiray.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*