Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal

Cumar Cabdullaahi Faroweyne. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyne, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska madaxtooyada maanta oo Isniin ah.

Madaxweynaha ayaa Cabdisalaam Xasan Xirsi oo loo yaqaan Gujir u magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal.

Digreetada laguma sheegin sababta ka dambeysa xil ka qaadista.

Gujir ayaa soo noqday duqa degmada Garoowe xilligii maamulkii Cadde Muuse Xirsi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*