Madaxweynaha Puntland oo xil ka qaadis ku sameeyay taliyeyaasha ciidanka ee haayada nabadsugida PIA

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xil ka qaadis ku sameeyay taliyeyaal katirsan ciidamada haayada, Puntland Intelligence Agency (PIA).

Madaxweynaha ayaa waxa uu xilalkii ka qaaday taliyaha ciidanka PIA, Sharmaake Shiikh Doon iyo ku xigeenkiisii Abshir Aadan Dharagcade.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha shalay oo bishu ahayd 13, Juun oo uu helay warsidaha Puntland Mirror ayaa Madaxweynaha waxaa uu u magacaabay G/e Dhexe Maxamuud Cabdi Maxamed taliyaha cusub ee ciidanka haayada PIA-da, sidoo kalena wuxuu madaxaweynaha u magacaabay G/le Dhexe Siciid Salaad Maxamed taliye ku xigeenka ciidanka haayada PIA-da.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa G/le Dhexe Cabdiqaadir Jaamac Maxamed isna u magacaabay taliyaha rugta ciidanka haayada PIA.

Sida ay ilo-wareedyo dhanka ciidanka ah u sheegeen warsidaha Puntland Mirror xil ka qaadida ayaa timid kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay taliyeyaasha xilka laga qaaday iyo agaasimaha haayada PIA Cabdirisaaq Ciise Khaatumo.

Haayada Puntland Intelligence Agency (PIA) oo  kamid ah haayadaha amaanka iyo sirdoonka Puntland ayaaa waxaa la asaasay xilligii xukumadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), iyadoo haayada uu fadhigeedu yahay caasimada Puntland, Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*