Madaxweynaha Puntland oo u safray Muqdisho

Madaxweynaha Puntland oo u safray Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Madaxweynaha Puntland oo u safray Muqdisho. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa maanta oo Axad ah u duulay magaalada Muqdisho iyada oo ay soo aadantahay doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Cabdiweli Maxamed Cali ayaa gudaha Muqdisho kula kulmi doona xildhibaanada Puntland u matalaya aqalka hoose iyo aqalka sare  ee Soomaaliya, sida ilo-wareedyo codsaday in aan magacooda la sheegin u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in madaxweynaha uu xildhibaanada ka codsan doono in ay codka siiyaan musharax asal ahaan kasoo jeeda Puntland.

Raysulwasaaraha hadda xafiiska jooga Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaake iyo madaxweynaha iminka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kamid ah 23 musharax oo u tartamaya madaxweynenimo.

Warsidaha Puntland Mirror ayaa ogsoon in madaxweynaha Puntland uu taageerayo raysulwasaare Cumar Cabdirashiid, oo kasoo jeeda Puntland oo kutaala waqooyiga-bari Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhici doonta 8-da bishaan Febaraayo.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*