Madaxweynaha Puntland oo u safray Kismaayo si uu uga qaybgalo caleemosaarka Axmed Madoobe

Madaxweyne Deni iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa saakay oo Khamiis ah ka tagay Garoowe. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wefdi balaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta u safray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay uga qeybgali doonaan caleemosaarka madaxweynaha Jubbaland.

Munaasibada caleemosaarka Axmed Madoobe oo dabayaaqadii bishii Agoosto dib loogu doortay madaxweynaha Jubbaland ayaa labo jeer oo hore baaqatay kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay xayiraad duulimaadyada diyaaradaha ah ay saartay Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*