Madaxweynaha Puntland oo u safray Itoobiya

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan qaybta VIP garoonka diyaaradaha Garoowe, August 26, 2019. [Xigashada Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah u safray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku sii sagootiyay ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cusmaan iyo masuuliyiin kale oo katirsan haayadaha dowladda.

Waxa uu kulamo la yeelan doonaa masuuliyiinta Itoobiya inta uu ku suganyahay halkaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*