Madaxweynaha Puntland oo tagay Sweden

Madaxweynaha Puntland oo tagay Sweden. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Stockholm-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa shalay galab oo Khamiis ahayd tagay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Jaaliyada Puntland ee kunool halkaas ayaa si fiican u soo dhaweysay Madaxweynaha.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa shacabka soo dhaweeyay u mahadnaqay waxaana uu yiri: “waxaan idiinkaga mahadnaqayaa sida balaaran ee aad aniga iyo weftigayga usoo dhawayseen, waana wax wanaagsan oo i farxad gelisay, waxaadna noo muujiseen dareen wanaagsan oo yididiilo wanaagsan igu abuuray, waana idiinka mahadnaqayaa si balaaran oo farxadi ku dheehantahay, waan idinla joogi doonaa dhowr berri, waxaynuna wada qaadan doonaa wakhti wanaagsan, maadaama aad qabowga muddo taagnaydayn si aad noo soo dhawaysaan waxaan kusoo koobayaa, waxaan isku xog waraysan doonaa kulankeena danbe.”

Madaxweynaha Puntland oo dhawaan magaalada London uga qeybgalay shir-weyne ku saabsanaa Soomaaliya, ayaa uga gudbay wadamada Iskaandaneefiyaanka isaga oo dhawaan tagay dalka Norway oo kulamo kula soo qaatay jaaliyada Puntland ee halkaas joogta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*