Madaxweynaha Puntland oo tagay magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Puntland oo tagay magaalada Boosaaso. [Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa galabta oo Sabti ah tagay magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Boosaaso kusoo dhaweeyay maamulka Gobolka Bari , maamulka Degmada Boosaaso iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda.

Cabdiweli oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa difaacay ka qeybgalka doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee asbuucii lasoo dhaafay ka dhacday Muqdisho.

‘’Waxaan muddo todobaad ah ku maqnayn magaalada Muqdisho oo ay ka dhacaysey isbedelkii  doorasho ee madaxweynaha Soomaaliya, dowladda Puntland oo ka mida dowladaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya waajib bay nagu ahayd inaan tagno, ka qaybgalo, korjoogtayno, isbedel kaas oo saamayn weyn dabcan ku yeelanaya itijaaha siyaasadeed ee Soomaaliya, markaa Puntland muhiim bay ahayd inay joogto oo ay ka qaybgasho” ayuu yiri madaxweyne Cabdiweli.

“Runtii isbedelka maanta ka dhacay Soomaaliya, waa isbedel khayr-qaba oo ay ku kalsoonyihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo dhan, doorashada Madaxwweynaha DFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wanaag bay u tahay Puntland, Soomaaliyana guud ahaan waxaan filayaa sidaas oo kale.” Ayuu ku daray.

Ugu dambayna madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wadashaqaynta dowladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay, waxaana uu Illahay uga baryyey inay noqoto tii Soomaaliya dib ugu usoo celisa sharafteedii, karaamadeedii iyo midnimadii Ummadda Soomaaliyeed.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*