Madaxweynaha Puntland oo soo saaray jadwalka doorashada

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa galabta oo Jimce ah soo saaray jadwalka soo xulista baarlamaanka cusub iyo doorashada madaxweynaha, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiskiisa.

Bayaanka dhexdiisa, ayaa madaxweynuhu ku sheegay in baarlamaanka cusub uu howshiisa fulin doono kowda ilaa lixda Janaayo, halka doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 8 Janaayo sanadka cusub 2019.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bayaanka ku sheegay in xeer gaar ah uu ku soo magacaabi doono guddiga ansixinta iyo khilaafaadka baarlamaanka cusub.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa beelaha ka codsaday in ay xubnaha matali doona soo gudbiyaan kahor 10/12/2018.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*