Madaxweynaha Puntland oo sheegay in la jabiyay maleeshiyada ISIS ee joogta gudaha Puntland

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Puntlamd Mirror]
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Puntlamd Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa warbaahinta caalamiga ah ee Bloomberg u sheegay in ISIS qaybteeda Puntland ay tiradoodu dhantahay ilaa iyo 300 dagaalyahan aysana wax khatar ah ku hayn kadib markii maleeshiyadooda banaanka looga saaray maagaalo xeebeedka Qandala sanadkiila lasoo dhaafay.

“ISIS dagaalyahandoodu waxa ay ku kala firdheen buuraha kadib markii ciidamada ammaanka ay dibada uga saareen bartamihii bishii December,” sidaa waxaa yiri Madaxweynaha Puntland oo dhawaan wareysi gaar ah gudaha caasimada Itoobiya ee Addis Aabab ku siiyay warbaahinta caalamiga ah ee Bloomberg.

“Tirada maleeshiyadu waa kala duwantahay waa 100 ilaa 200 ilaa 300— wax khatar ahna naguma hayaan anaga.” Ayuu ku daray Madaxweynuhu.

7-dii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa kala wareegay magaalo xeebeedka Qandala malaaeeshiyada ISIS, kuwaasoo qabsaday dabayaaqadii bishii October.

Hal sanno jirta ISIS-ta joogta gudaha Puntland ayaa horey u ahayd koox ka baxday Al-Shabaab waxaana hoggaaminayay Cabdiqaadir Muumin.

Bartamihii bishii September ee sanadkii tagay, Cabdiqaadir Muumin ayaa Mareykanku ku daray liiska argagixisada caalamka.

Xigashada: Bloomberg iyo Puntland Mirror

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*