Madaxweynaha Puntland oo sheegay in doorashada lagu qaban doono wakhtigeeda

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda]
Gaorowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in doorashada madaxweynenimada la qaban doono 9-ka Janaayo 2019, sida uu ku sheegay wareysi ay la yeelatay laanta Af-Soomaaliga ee BBC.

Wareysiga dhexdiisa, Madaxweynaha ayaa xusay in uusan isagu awood u lahayn muddo kororsi, sida uu qabo dastuurku.

Mar la weydiiyay haddii uu doonayo mar labaad in isku sharaxo xafiiska, Cabdiweli ayaa ka gaabsaday.

Bishii lasoo dhaafay, kooxda Puntland Focus Group ayaa madaxweynaha ku eedaysay in uu doonayo in doorashada uu dib u rido si uu u sii joogo labbo sanno.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*