Madaxweynaha Puntland oo safarkisii ugu horeeyay ee dibada ah ku aaday Imaaraatka Carabta

Madaxweyne Deni oo gacanhaatinaya isaga oo safar u galaya Imaaraatka. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah u duulay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Isaga oo wariyeyaasha kula hadlayay garoonka diyaaradaha Garoowe, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in safarkiisa Imaaraatka Carabta uu la xiriiro sidii loo adkeyn lahaa xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya Puntland iyo Imaataatka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu la kulmi doono masuuliyiinta shirkada DP World, taasoo heshiis kula gashay dowladda Puntland sidii ay umaamuli lahaydn una casriyeyn lahayd dekada Boosaaso.

Inta uu safarkiisa ku joogo Imaaraatka, Madaxweynaha Puntland iyo hoggaamiyaasha Imaaraatka ayaa la filayaa in ay ka wadahadli doonaan arrimaha ammaanka, madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray.

Imaaraatka Carabta ayaa taageerayay ciidamada badda Puntland, kuwaasoo dagaal kula jira burcadbadeeda iyo maleeshiyooyinka.

Kani waa safarkii kowaad oo dalka banaankiisa ah tan iyo markii Siciid Cabdullahi Deni uu qabtay xafiiska bishii Janaayo 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*