Madaxweynaha Puntland oo safarkiisii labaad ee dalka dibadiisa ah ku aaday Shiinaha

Madaxweyne Deni oo gacan haatinaya kahor inta uusan u safrin Shiinaha. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah u safray dalka Shiinaha.

Kahor inta uusan tagin Deni ayaa warbaahinta u sheegay ujeeada safarkiisa dhiinaha, waxaana uu yiri: “Waxaan maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka China aniga iyo wefti Wasiiro ka kooban oo ila-socda, safarkaasi waa safar ka kooban sidii wax wadaqabsi noo dhexmari lahaa gobol kamid ah gobolada China ee dhinacyada horumarinta ganacsiga iyo kala faa’iidaysiga khibradaha ee dhismayaasha wershadaha iyo xoojinta xidhiidhka ganacsi ee naga dhexeeya.”

“Waxaan rajaynaynaa mudadaas aan joogno in aan aragtiyo fiican kala soo noqon doono, iyagana aan u sharixi doono fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Puntland ay leedahay, waxaan aad ugu faraxsanahay in dalalka ka qayb-qaata koboceena dhaqaale in ay yimaadaan dalkeena, iyagoo u soo maraaya sharciga iyo nidaamka dowliga ah.” Ayuu ku sii daray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalgashadayaasha Shiinaha ay ugu yeeri doonaan shirka maalgashiga Puntland oo xagaaga ka dhici doona Garoowe.

“Waxaanu sidoo kale jecelnahay in aan ugu yeedhno iyaga iyo wadamadii hore aan u tagnayba shirka maalgashiga ee Puntland ka dhicidoona oo aan rabno khayraadka dihin ee dalkani leeyahay in ay maalgashtaan, sida kalluumaysiga, macdanta, beeyada iyo waxyaabaha la xiriira wax soo-saarkeena.”

Waa safarkii labaad oo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu ugu ambabaxo dibada tan iyo markii la doortay bishii Janaayo 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*