Madaxweynaha Puntland oo safar ku tagay magaalada Baran

Madaxweynaha Puntland oo tagay Baran maanta oo Arbaco ah. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Baran-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Arbaco safar ku tagay magaalada Baran ee gobolka Sanaag, isaga oo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Puntland oo xil haya oo halkaas taga, sida ay sheegeen saraakiishu.

Boqolaal qof oo dadka deegaanka Baran ayaa saf dheer u galay duleedka magaalada si ay u soo dhaweeyeen madaxweynaha.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubno katirsan golaha wasiiradda ayaa qeyb ka ahaa wefdiga madaxweynaha.

Inta uu safarka ku joogo Baran, waxaa la filayaa in uu furo Jaamacadda dhawaan la dhisay ee Maakhir, oo ay maalgelisay Kuwait.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*