Madaxweynaha Puntland oo magacaabay xilal cusub, joojiyayna deegaamaynta dooxooyinka Waw iyo Bixin

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqada ka joojiyay guddoomiyaha haayada waddooyinka Puntland Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday madaxtooyada xilli dambe xalay oo Khamiis ahayd.

Digreetada laguma sheegin sababta keentay shaqo ka joojinta, balse waxaa la amray in ku xigeenkiisa uu shaqada sii wadi doono.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale digreetada ku sheegay in la buriyay dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyay haayada waddooyinka Puntland ee PHA laga soo bilaabo bishii Janaayo 2019.

Dhanka kale, madaxweyne Deni ayaa magacaabay guddoomiyaasha gobolada Sanaag iyo Haylaan iyo mareeyaha garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, sida lagu sheegay digreeto isla xalay soo baxday.

Cali Xuseen Maxamed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag, halka Siciid Xuseen Maxamuud loo magacaabay guddoomiyaha Haylaan. Axmed Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa loo magacaabay mareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale joojiyay dhismeyaasha iyo deegaamaynta dooxooyinka Waw iyo Bixin, oo ah dhul-daaqsimeed dhanka waqooyi ka xiga magaalada Garoowe, ee caasimada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*