Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha sugida amniga xilliga doorashada Puntland 2019

Cabdirisaaq Siciid Diiriye. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Cabdirisaaq Siciid Diiriye u magacaabay taliyaha sugida amniga ee xilliga doorashada Puntland 2019, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska madaxtooyada  maanta oo Isniin ah.

Cabdirisaaq ayaa ah taliyaha ciidamada badda Puntland ee PMPF.

Doorashada madaxtinimada Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo 8-da Janaayo ee sanadka 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*