Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddi wasiiro ah si ay wax uga qabtaan khatarta kaalimaha shidaalka

Shirka golaha wasiiradda ee Puntland ee maanta oo Khamiis ah. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxame Cali ayaa magacaabay guddi wasiiro ah si ay wax uga qabtaan khatarta kaalimaha shidaalka ee kuyaala magaalooyinka Puntland.

Shirka asbuuclaha  ah ee golaha wasiiradda, ayaa looga hadlay khatarta kaalimaha shidaalka waxaana lagu doortay guddi wasiiro ah oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiirka Ganacasiga iyo Wasiirka Caafimaadka si ay deg deg uga howlgalaan wax ka qabashada khatarta kaalimaha shidaalka.

Shalay oo Arbaco ahayd, dowladda hoose ee magaalada Garoowe ayaa joojisay furitaanka kaalmaha shidaalka ee magaalada, sida uu shir saxaafadeed ka sheegay duqa degmada Xasan Maxamed Ciise Goodir.

Taaladadii, dab balaaran oo qabsaday kaalimo shidaal oo kuyaala magaalada Garoowe ayaa waxaa ku dhintay ilaa lix qof waxaana ku dhaawacmay sideed kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*