Madaxweynaha Puntland oo maareeye cusub u magacaabay garoonka diyaaradaha Boosaaso

Garoonka diyaaradaha Boosaaso. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maareeye cusub u magacaabay garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Axmed Siciid Yuusuf ayaa loo magacaabay mareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha Boosaaso, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday madaxtooyada subaxnimadii hore ee Axada.

Lama sheegin sababta ka dambaysa xilka qaadista maareeyihii hore ee garoonka diyaaradaha Boosaaso kaasoo xilka hayay wax ka yar sanad oo uu soo magacaabay madaxweyne Deni.

Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo sanadkii 2016 ay dhistay shirkada Shiinaha ee CCECC ayna dhaqaalaha bixisay dowlada Talyaaniga, ayaa bishii September ee sanadkii 2019 Puntland ku wareejisay shirkad Imaaraat ah oo la sheegay in ay casriyayn doonto.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda safar ku jooga xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*