Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay wefdi ka socda shirkadaha Shiinaha ee Afrika

Madaxweye Deni oo wefdiga Shiinaha kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada, January 15, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Talaado ah wefdi ka socda shirkadaha Shiinaha ee Afrika kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada, kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii shirkadaha Shiinaha ay maalgashi uga sameyn lahaayeen gudaha Puntland.

“Midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethiopia ayaa madaxweynaha Dowladda Puntland kala hadlay maalgashi ganacsi oo ay doonayaan shirkadahaasi inay Puntland ka sameeyaan, isla’markaasna ay wada-shaqayn wanaagsan oo dhinacyo badan taabanaysa ay ula yeelan lahaayeen Dowladda Puntland.” Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*