Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay safiirka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay Annett Günther oo ah safiirka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya, April 7, 2019. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta oo Axad ah xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay wefdi ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminaysay Annett Günther oo ah safiirka Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya.

Safiirka iyo madaxweynaha Puntland ayaa ka wadahadlay arrimo kala duwan oo ay kamidyihiim mashaariicda Jarmalku maalgeliyo ee ka jira gudaha Puntland, gaar ahaan dib u yactirka wadada Garoowe iyo Gaalkacyo.

Wefdiga Jarmalka ayaa waxaa kamid ahaa masuuliyiin ka socda haayada Jarmalka ee GIZ taasoo fulinaysay mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, taasoo sanadkii lasoo dhaafay la hakiyay kadib eedo musuqmaasuq.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, safiirka Jarmalka Annett Günther ayaa sheegtay in dhismaha mashruuca wadada lafilayo in uu wakhti kooban gudihii uu dib u bilaaban doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*