Madaxweynaha Puntland oo kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Muqdisho ciyaartowga kubada cagta Puntland

Madaxweynaha Puntland oo xalay kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Muqdisho ciyaartowga kubada cagta Puntland. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xalay kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Muqdisho ciyaartowga kubada cagta Puntland ee ka qeyb galaya tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa dhalinyatada ciyaartowga ah kula taliyay  in ay ilaashadaan sumcadooda iyo sharaftooda ayna hagaajiyaan akhalaaqdooda, dabeecaddooda iyo diintoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhalinyarada u balanqaaday in dhawaan la casriyeyn doono garoomada kubada cagta ee kuyaala Puntland, qaar kamid ahna la dhigi doono roogaga cawska macmalka ah si kor loogu qaado ciyaaraha Puntland.

Ugu dambeyn madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay kooxda kubada cagta Puntland in dowladd ay la garab taagantahay dhammaan wax walba oo taageero ah oo ay u baahanyihiin.

Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Puntland ayaa ciyaartooda ugu horeysa ee tartanka wajihi doona Hir-Shabeelle 12 bisha December.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*