Madaxweynaha Puntland oo kulamo Nairobi kula yeeshay safiiro shisheeye

Madaxweyne Deni iyo iyo Aline Kuster-menager oo ah safiirka Faransiiska u qaabilsan Kenya iyo Soomaaliya. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Nairobi-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu gaaray asbuucii lasoo dhaafay.

Intii uu ku guda jiray safarkiisa, Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay safiirada shisheeye ee qaabilsan Soomaaliya oo ay kamidyihiin Mareykanka, UK, France, Sweden, iyo sidoo kale wakiilka IGAD u qaabilsan Soomaaliya.

Kulamada ayaa looga hadlay xaalada Puntland iyo tan guud ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha amniga, dhaqaalaha, mashaariicda iyo doorashooyinka dalka ku soo fool leh, sida ay ilo-wareedyo dowladda katirsan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*