Madaxweynaha Puntland oo ku jeeda magaalo xeebeedka Boosaaso si uu u soo gabagabeeyo heshiiska guddoomiyihii hore ee gobolka Bari

abdiweli
Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Isniin ah safar shaqo ku tagi doona magaalo xeebeedka Boosaaso, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in uu soo afmeero heshiiska u dhaxeeya dowladiisa iyo guddoomiyihii hore ee gadooday ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, sida ilo-wareedyo ku dhow madaxtooyada Puntland u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Dhawaan, Madaxweyne Cabdiweli iyo hoggaamiyaasha qabiilka Gallan ayaa heshiis ku gaaray Garoowe, asii heshiiska kama dambaysta ah uu ka dhici doono magaalada Carmo ee gobolka Bari halkaasi oo qabiil Gallan ay kasoo jeedaan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*