Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid la taliyihiisii arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose

Marxuum Cabdulaahi Ciid Cismaan. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid la taliyihiisii arrimaha gudaha iyo dowladdaha hoose, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyadda maanta oo Isniin ah.

“Madaxweynaha Puntland oo ku hadlaya afka goleyaasha Dawaladda Puntland ayaa waxaa tacsi uu u dirayaa guud ahaan shacabka Puntland iyo eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Cabdulaahi Ciid Cismaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Cabdulaahi Ciid Cismaan uu ahaa shaqsi gudashada waajibaadkiisa shaqo ku wanaagsan, islamar’ahaantaana shaqo wanaagsan qabtay muddadii uu ahaa lataliyaha Madaxweynha.

Marxuum Cabdulaahi Ciid Cismaan ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Virginia ee dalka Mareykanka, sida lagu sheegay bayaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*