Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay dilkii xeer ilaaliyihii ciidamada

Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga tacsiyeeyay dadweynaha Puntland, asxaabtii iyo qoyskii xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada Puntland Cabdikariim Xuseen Firdhiye, kaasoo lagu dilay Boosaaso shalay oo Axad ahayd.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeer ilaaliyaha la dilay uu xubin muhiim ah u ahaa dowladda iyo shacabka Puntland.

Kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkaas, sida ay ka sheegeen warbaahintooda.

Firdhiye ayaa noqonaya masuulkii saddexaad oo dowladda Puntland katirsan oo dablay Al-Shabaab ah ay ku dilaan wax ka yar bil gudaheed.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*