Madaxweynaha Puntland oo Isutaga Imaaraatka Carabta ugu safri doona heshiiska DP World

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u safri doona dalka Isutaga Imaaraatka Carabta inta lagu guda jiro asbuucaan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan dowladda.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa la filayaa in uu saxiixo heshiis ay Puntland la geli doonto shirkada DP World si ay u hormariyaan una maamulaan dekada Boosaaso, sida ilo-wareedyo katirsan dowladda kuwaasoo codsatay in aan magacooda la sheegin ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Heshiiska u dhaxeeya labada dhinac ayaa la filayaa in uu ka dhaco magaalada Dubai maalmaha soo socda, sida ay sheegeen ilo-wareedku, kuwaasoo diiday in ay bixiyaan faahfaahin ku saabsan heshiiska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*