Madaxweynaha Puntland oo isku shaandhayn uu ku sameeyay maxkamada ciidamada xilkii uga qaaday guddoomiyihii

Guddoomiyaha hore ee maxkamada ciidamada Puntland Kornayl Cabdifataax Xaaji Aadan. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa isku shaandhayn uu ku sameeyay maxkamada ciidamada xilkii uga qaaday guddoomiyaha maxkamada ciidamada Puntland Kornayl Cabdifataax Xaaji Aadan, sida ilo-wareedyo ku dhow madaxtooyada ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa Kornayl Cabdifataax u magacaabay garsoore katirsan maxkmada ciidamada, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Kornayl Cabdifataax ayaa kasoo shaqeeyay guddoomiyaha maxkamada ciidamada Puntland shanti sano ee lasoo dhaafay.

Intii lagu guda jiray sanadihii uu xafiiska joogay, waxa uu ka badbaaday dhowr isku dil ah oo ay qorsheeyeen ururka hubaysan ee Al-Shabaab, sababtoo ah waxa uu xukumay tiro kiisas ah oo ka dhan xubno katirsan kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*