Madaxweynaha Puntland oo isbadal ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada booliiska Nugaal iyo Mudug

Sawirka: Ciidamo katirsan booliiska Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isbadal ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada booliiska ee gobolada Nugaal iyo Mudug.

Taliyaha booliiska gobolka Nugaal Muumin Cabdi Shire ayaa loo badalay gobolka Mudug, halka taliyaha booliiska Mudug Cabdulqaadir Jaamac Dirir loo soo wareejiyay Nugaal, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maanta oo Sabti ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Cabdi Casayr Yuusuf u magacaabay taliyaha ciidanka booliiska gobolka Karkaar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*