Madaxweynaha Puntland oo hadal nacasnimo ah ku tilmaamay hadal Xasan Shiikh dhawaan uu ku sheegay in Puntland ay ka koobantahay labo gobol iyo bar

President Ali
Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta oo Sabti ah dib ugu soo noqday magaalada Gaalkacyo ayaa ka jawaabay hadal dhawaan uu jeediyay madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa ku tilmaamay hadal nacasnimo ah hadalkii Xasan Shiikh ee uu ku sheegay in Puntland ay kooban tahay labo gobol iyo bar.

“Waxaan rabaa in aan jawaab yar ka bixiyo hadal aan isleeyahay, hadal nacasnimo ah oo madaxweynihii dalka Xasan Shiikh uu ka yiri idaacadaha uu ahaa Puntland waa labo gobol iyo bar, hadda waxaa muuqata madaxweynaha afar sanno dalka waa xukumaye, in uusan dalkiisa kala aqoon baa muuqata” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Doorashana waa ku jiraa madaxweynenimo buu raadinayaaye marka inuu yiraahdo Puntland waa labo gobol iyo bar, ma garan karo hadalkaasi waxa uu ku yimid, Soomaalidu waxa ay dhahdaa baa la yiri sagaaradii badda ku galeetiday waxba ma ay dhimine naceed ayay warisay, waxa weeye Puntland hadalka madaxweyne Xasan Shiikh kuna yaraan mayso kuna weynaan mayso, Puntland waxaa lagu asaasay shan gobol iyo magaalada Buuhoodle maantana sagaal gobol weeye haddii madaxweynaha uusan aqoon anagaa barayna maanta.” Ayuu ku daray Madaxweyne Cadiweli.

Jawaabta Madaxweyne Cabdiweli ayaa imaanaysa labo beri kadib markii Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu ku sheegay in dowlad goboleedka Puntland uu ka koobanyahay labo gobol iyo bar, isaga oo ka hadlayay barnaamij dood wadaag ah oo uu qabtay taleefishinka maxaliga ah ee Universal.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*