Madaxweynaha Puntland oo Garoowe dib ugu soo noqday kadib markii uu kasoo qaybgalay shirka madasha qaran

Gaas return to Garowe
Madaxweynaha oo salaamaya ku-xigeenkiisa markii uu kasoo degay garoonka Kanooko. Sawirka: Xafiiska warbaahinta madaxweynaha.

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Arbaco ah dib ugu soo noqday caasimada Puntland, Garoowe.

Madaxweynaha ayaa ka yimid caasimada Soomaaliya, Muqdisho, halkaas oo uu uga qaybgalay shirka madasha qaran ee u dhaxeeyay hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya oo shalay galab oo Talaado ahayd Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka Kumeel gaarka ah ee Kanooko Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camay iyo saraakiil kale oo dawlada ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*