Madaxweynaha Puntland oo gaaray Imaaraatka Carabta

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali oo maanta ka dhoofay magalada Bosaso, ayaa galabta gaaray magalada Abu Dhabi waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Safarka madaxweyne Gaas, ayaa qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland lagu sheegay inuu salka ku hayo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac iyo kawada hadalka arrimaha, dhaqaalaha, siyaasadda iyo hormarinta kaabayaasha arrimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkan ku wehelinaya, wasiirka Dekedaha, gaadiidka badda iyo la dagaallanka burcad badeeda, taliyaha ciidamada PIA-da iyo saraakiil katirsan madaxtooyada.

Gaas ayaa nasasho kooban kadib loo gudbiyay gudaha magalada Abu Dhabi iyo halka uu kadagayo ee hotel “THE RITZ-CARLTON”, waxaana la sheegay inuu goobtaasi ku sugnaan doono tan iyo inta uu kasoo idlaanayo safarkiisa Imaaraadka.

Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda sare, waxaana socdaalkan lagu sifeeyay matiqaad uu ka helay waddanka isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Gaas, ayaa muddooyinkii dambe socdaallo isdabo joog ah ku tagayay dalkaasi, dhawaan ayayna ahayd markii uu ka yimi isagoo hishiisyo la soo galay madax sare oo waddankaasi katirsan

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*