Madaxweynaha Puntland oo Dubai kulan kula yeeshay masuuliyiinta shirkada DP World

Kulanka dhexmaray madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta DP World. [Xigashada Sawirka: Puntland State House]
Dubai-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Dubai kulan kula yeeshay masuuliyiinta sare oo katirsan shirkada DP World.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, kulanka ayaa waxaa looga wada-xaajooday arrimo ku saabsan heshiiska dekada Boosaaso.

Intii kulanku socday, DP World ayaa balanqaaday in ay dedejin doonto dhammaan howlaha la xiriira dhismaha iyo balaarinta dekada Boosaaso, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

Waa kulankii ugu horeeyay ee dhexmara maamulka cusub ee madaxweyne Deni iyo shirkada DP World, taasoo maamulkii madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali sanadkii 2017 la gashay heshiiska si ay u horumariso una maamusho dekada Boosaaso muddo 30 sanno ah.

Madaxweyne Deni ayaa horaantii bishaan dalka Isutaga Imaaraatka Carabta safar ku tagay, kaasoo ahaa safarkiisii ugu horeeyay ee dalka dibadiisa ah tan iyo markii la doortay bishii Janaayo 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*