Madaxweynaha Puntland oo dowladda federaalka Soomaaliya ku wareejiyay lacag dhan nus milyan ka timid shacabka Puntland

Madaxweynaha Puntland oo dowladda federaalka Soomaaliya ku wareejiyay lacag dhan nus milyan ka timid shacabka Puntland. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xalay oo Talaado ahayd dowadda federaalka ku wareejiyay taageero maaliyadeed oo lagu caawinayo dadkii ay dhibbaatadu kasoo gaartay qaraxii gaariga ee dhawaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Ku dhowaad nus milyan dollar (Afar Boqol Sagaashan iyo Kow Kun, Boqol iyo Todoba Dollar $491, 107) ayaa Puntland ku wareejisay dowladda federaalka.

Lacagata ayaa waxaa iska soo uruurshay dadka shacabka ee reer Puntland iyo dowladooda.

Munaasibadda dhaqaale wareejinta oo ka dhacday xarunta dawladda hoose ee gagaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galayRaysul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah dawladda DFS, Guddiga Gurmadd ka heer qaran, guddiga gurmadka dawladda Puntland ee dhacdadii Zoobe, culimo, waxgarad, siyaasiyin, masuuliyiin kale iyo qaar kamida shacabka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Dr, Cabdiwali Maxamed Cal oo ka hadlay  xafladdaasi ayaa sheegay in gurmadkani dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ay ugu deqeen walaalahooda ku waxyeeloobey qaraxii Zoobe uu ahaa mid ku waajiba, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in arinkaasi uu farayo damiirka walaalnimo iyo midka islaanimo in laysu gurmado.

“Wixii waajib ku ahaa weeye waxa dadka Puntland ay sameeyeen, maxaa waajib ka dhigay? waxaa waajib ka dhigay sadexda xayndaab ee inagu xeeran oo aynu wax isugu nahay, xayndaabka koowaad waa kan bini aadantinimada, bini aadanku meelkastuu joogo waxa ka dhexeeyaa xidhiidh, taas weeye sababta ciidamada AMISOM ay ugu dhimanayaan Soomaaliya, tan labaad waxaa inaga dhexeeya tii islanimada, dadka Islaamka ahi meelay joogaanba walaalo weeye, tan ugu danbaysaa waxa weeye tan ugu mihiimsan oo ah Soomaalinimada” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Raysul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa shacabka reer Puntland uga mahadnaqay darenka walaatinimo ee ay ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobey qaraxii Soobe kaas oo cadawga Soomaaliyeed ay ku xasuuqeen shacabkeenna,

Raysul Wasaaraha ayaa sidoo kale cadeeyey in wadajirka shacabka Soomaaliyeed uu dhabar jab ku yahay cadawgooda, taasna ay tusaale u tahay hiilka maanta Puntland iyo shacabkeedu walaalahooda reer Muqdisho ay ugu soo gurmadeen,

Ku dhawaad 400 qof ayaa ku geeriyooday, in ka badan 300 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho 14 Oktoobar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*