Madaxweynaha Puntland oo dhaqaale dhan $3.5 milyan ku wareejiyay guddiyada dhismaha Garoonka Garoowe iyo wadada Ceeldaahir & Ceerigaabo

Madaxweynaha Puntland oo dhaqaale dhan $3.5 milyan ku wareejiyay guddiyada dhismaha Garoonka Garoowe iyo wadada Ceeldaahir & Ceerigaabo. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Isniin ah dhaqaale dhan $3.5 milyan ku wareejiyay mashaariicda dhismaha Garoonka Garoowe iyo wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo si loogu dhammeystiro shaqada dhismaha.

Munaasabada lacag wareejinta oo ka dhacday gudaha caasimada Garoowe, ayaa Madaxweyne Cabdiweli ku wareejiyay guddiga dhismaha Garoonka Garoowe lacag dhan $2.5 milyan oo loo qoondeeyay, sidoo kalena waxa uu ku wareejiyay guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo $1 hal milyan oo loo qoondeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*