Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xiri doonta Garoowe iyo Taleex

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo dhagax dhigaya waddo laami ah oo isku xiri doonta Garoowe iyo Taleex. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Talaado ah dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xiri doonta Garoowe iyo Taleex.

Wadada oo dherergoodu tahay 90km ayaa waxaa dhaqaalaha ku bixi doona bixin doonta dowladda Puntland, sida uu sheegay madaxweynuhu.

“Waddada Garoowe iyo Taleex waxay ku dhismi doontaa isku tashiga dawladda Puntland iyo shacabkeeda iyo sidoo kale ciddii kale oo aanu la kaashan karnoba, laakiin waxaan rajaynayaa in sanadka bilawgiisa ay billaabato si deg degana u bilaabato Insha Alla,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Maamulka madaxweyne Cabdiweli ayaa mudnaanta siiya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland si kor loogu qaado dhaqaalaha gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*