Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay dekada Garacad

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo dhagax dhigaya dekada Garacad, July 31, 2018. [Sawirka]
Garacad-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Talaado ah dhagax dhigay dekad cusub oo laga dhisi doono magaalo xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabada dhagax dhiga ayaa sheegay in dekada cusub ay muhiimad weyn u yeelan doonto Soomaaliya iyo gobolka oo dhan oo ay kamidtahay Itoobiya, oo aan laheyn xeeb.

Mashruuca ayaa waxaa ku bixi doona malaayiin dollar waxaana maalgelinaya ganacsato reer Puntland ah, sida uu sheegay Wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage.

Waxaa mashruuca dhismaha la siiyay shirkad Turki ah, waxaana la filayaa in shaqada dhismuhu ay socoto muddo labo sanno iyo bar ah.

Waxaa jira qorshe lagu dhisayo waddo taasoo isku xiri doonta dekada Garacad iyo magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Garacad waa magaalo xeebeed kutaala Badweynta Hindiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*