Madaxweynaha Puntland oo wacad ku maray inuu laynayo maxaabiista al-Shabaab haddii aysan maleeshiyada joojin dilka shacabka

Garoowe-(Puntland) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay maanta oo Khamiis ah in dowladiisa ay layn doonto dagaalyahanada al-Shabaab ee ku jira xabsiyada Puntland haddii aysan maleeshiyada joojin dilka dadka shacabka ah ee reer Puntland.

Madaxweynaha oo saxaafada kula hadlayay Garoowe ayaa sheegay in ay ku hayaan xabsiyada Puntland maxaabiis badan oo al-Shabaab wuxuuna wacad ku maray in ay dilayaan haddii kooxda aysan joojin falalka dilka ah ee dadka shacabka ah.

“Waxaanu ku haynaa xabsiyadayada maxaabiis badan oo al-Shabaab ah haddii aysan joojin dilka oo ay dad dilaan anaguna waanu dilaynaa, waana naga dhab, markay hal qof dilaan 20 ayaan dilaynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli.

Madaxweynaha hadalkiisa ayaa imaanaya kadib markii koox hubaysan oo looga shaki qabo al-Shabaab ay ku dileen shalay galab gudaha magaalada Gaalkacyo guddoomiyihii ururka haweenka gobolka Mudug ee Puntland, Dhudi Yuusuf Aadan.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*