Madaxweynaha Puntland oo cafis u fidiyay maxaabiis gaaraya 119 ciida darteed

Maxaabiis ku jira xabsiga weyn ee Garoowe. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ciida darteed cafis u fidiyay maxaabiis gaaraya 119 kuwaasoo oo ku kala jira xabsiyada kala duwan ee kuyaala gudaha Puntland, sida taliyaha booliiska Garoowe Kornayl Maxamuud Muuse Bile uu u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaan ahayn kuwa ku eedaysan dambiyada culus sida dilka, kufsiga iyo argagixisada, taliyaha ayaa intaas ku daray.

Maxaabiista ayaa la filayaa in la sii daayo kahor  fasaxa ciida si ay dib ula midoobaan qoysaskooda, sida uu sheegay taliyuhu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*