Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso dib ugu soo noqday

Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Boosaaso kadib booqasho afar maalmood qaadatay oo uu ku tagay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Madaxweynaha ayaa hadal kooban oo uu saxaafada siiyay ku sheegay in uu ku tagay magaalada Abu-Dhabi safar shaqo oo la xiriira danaha Puntland.

“Waxaanu safar shaqo ku tagnay Magaalada Abu-dhabi halkaas oo aanu kula kulanay qaar kamid ah madaxda dalkaasi iyo shirkado ganacsi oo danaynaya inay maalgashadaan Puntland,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli.

Wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa taageero Puntland ka siiya dhaqaalaha ku baxa ciidamada la dagaalanka burcadbadeed ee PMPF kuwaas oo kaalin weyn ka qaatay amaanka xeebaha Puntland tan iyo markii la asaasay sanadkii 2010.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*