Madaxweynaha Puntland oo balanqaaday in uu gole wasiiro ah oo cusub ku soo dooran doono 21 beri gudahood

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo warbaahinta kula hadlayay madaxtooyada kadib markii baarlamaanku kala diray golihii wasiiradda. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa balanqaaday in uu soo xuli doono gole wasiiro ah oo cusub kadib markii baarlamaanku kala diray golihii wasiiradda.

Isaga oo wariyeyaasha kula hadlayay Garoowe maanta oo Talaado ah Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in uu soo dooran doono gole wasiiro ah oo cusub 21 beri gudahood.

Marka uu hadalka jeedinayay, Madaxweynaha ayaa ciidamada ku amray in ay adkeeyaan ammaanka dalka.

Gelinkii hore ee Talaadada, ku dhawaad 47 xildhibaan oo katirsan golaha baarlamaanka ayaa u codeeyay in ay shaqada laga ceyriyo golaha wasiiradda iyaga oo ku eedeeyay in ay kasoo bixi waayeen shaqadii loo idmay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*