Madaxweynaha Puntland oo baarlamaanka ka codsaday wakhti dheeraad ah oo uu ku soo dhiso golaha wasiiradda

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Talaado ah baarlamaanka ka codsaday in ay ugu daraan wakhti dheeraad ah si uu u soo dhiso golihiisa cusub ee wasiiradda.

“Sida dastuurku uu dhigayo, markan la tashaday madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, waxaa nala habboonaatay in aan weydiisano golaha wakiiladda dowladda Puntland u kordhin 14 maalmood ah oo ka bilaabmaysa 28-ka Janaayo 2019, iyadoo ay nala soo daristay duruufo siyaasadeed iyo amni oo noo suurogelin waayay in aan ku soo dhisno golaha xukuumada cusub muddo 21 cisho ah,” Deni ayaa sidaa ku yiri codsigiisa uu kahor jeediyay baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa aqbalay in ay madaxweynaha ugu daraan 14-ka cisho oo dheeriga.

Wakhtiga kama dambaysta ah ee soo dhisida golaha xukuumada ee madaxweynaha ayaa ku beegan 28-ka bishaan Janaayo, balse hadda waxay noqon doontaa 10-ka Febaraayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*