Madaxweynaha Puntland oo u safray magaalada Gaalkacyo si uu uga qeybgalo kulan lagu dhammaynayo dagaalka Gaalkacyo

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa saakay oo Jimce ah u safray magaalada Gaalkacyo si uu halkaas uga qeybgalo kulan lagu dhex-dhexaadinayo Puntland iyo Galmudug, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ay maanta Gaalkacyo yimaadaan wufuud ka socota beesha caalamka iyo kuwo Soomaali ah oo ay kamidyihiin Raysulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, kuwaasoo ka qeybgalaya heshiisiinta labada dhinac.

Kulanka ayaa la filayaa in lagu soo afjaro dagaalka bisha ka socday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.

Ku dhawaad 70 qof oo u badan labada dhinac ee dagaalamay ayaa ku dhimatay dagaalo culus oo labada dhinac ku dhexmaray duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo, sidoo kale waxaa ku barakacay dad gaaraya 90,000.

Tifaftiraha Puntland Mirror Cabdi Cumar Bile oo si weyn ula socday dagaalka Gaalkacyo ayaa sheegaya in xabad-joojin rasmi ah oo dhaqangasha ay ku xirnaan doonto marka boqolaalka ciidan ee is-horfadhiya lagala qaado.

Labada dhinac ayaa si lamid ah uu dagaal ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo dabayaaqadii sanadkii hore ee 2015-kii.

Gaalkacyo oo ah caasimada gobolka Mudug ayaa u kala qeybsanta labo qeybood, qeybta koonfureed waxaa ka Taliya maamulka Galmudug halka qeybta waqooyi ay maamusho dowladda Puntland.

About Mohammed Omer Ahmed Mulla 20 Articles
Independent Researcher. Director and Chief Editor at Puntland Mirror. Focuses extensively on Security and Human Right Trends in Somalia, and the broader Horn of Africa Region.You can reach him on: Update.fkulan@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*