Madaxweynaha Puntand oo joojiyay daabacaada lacagta Shillin Soomaaliga

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullahi Deni. [Isha Sawirka: Facebook/denimedia]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa joojiyay daabacaada Shillin Soomaaliga, sida lagu sheegay digreeto maanta oo Isniin ah soo baxday.

Dowladdii Cabdiweli Maxamed Cali ayaa lagu eedayn jiray daabacaada lacagta Shillin Soomaaliga ah, balse marar badan ayuu inkiray in lacag la daabaco.

Sidoo kale digreeto uu soo saaray madaxweynaha, ayaa lagu joojiyay dhammaan dhismaha sharci darada ee dhulka dowladda.

Deni ayaa maanta oo isniin xafiiska la wareegay, asbuuc kadib markii xildhibaanadu u doorteen madaxweynaha dowladda Puntland shanta sanno ee socota.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*