Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo dalkiisa dib ugu noqday kadib daaweyn caafimaad oo uu ku qaatay magaalada London

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo dalkiisa dib ugu noqday kadib daaweyn caafimaad oo uu ku qaatay magaalada London. [Xigashada Sawirka: BBC]
Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo dalkiisa dib ugu noqday kadib daaweyn caafimaad oo uu ku qaatay magaalada London. [Xigashada Sawirka: BBC]
Abuja-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa dalkiisa dib ugu noqday kadib muddo asbuucyo ah oo uu daaweyn caafimaad u aaday magaalada London ee wadanka UK iyadoo dhowr jeer laga dayriyay xaaladiisa caafimaad.

74-jirkan ayaa maanta oo Jimce ah ka degay garoon ay leeyihiin ciidanka cirka oo kuyaala magaalada dhanka waqooyiga kutaaala ee Kaduna waxaana la filayaa in uu u safro caasimada Abuja.

Faahfaahinta ku saabsan xaaladiisa caafimaad ayaan wali la ogeyn.

Bayaan rasmi ah oo shalay oo Khamiis ahayd la soo saaray ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muhammadu Buhari uu uga yimid Nigeria nasasho iyo in uu maro tijaabo caafimaad.

Dalka Nigeria ayaa hadda wajahaya xilligii ugu xumaa ee qalalaase dhaqaale ee soo mara muddo sannooyin ah, taasoo dabasocotay hoos u dhaca sicirka saliida, oo ah wax soo saarka ugu weyn ee dalkaasi dhoofiyo.

Waa markii labaad wax ka yar sanad oo Madaxweyne Buhari uu arrimo caafimaad u aado dalka dibadiisa. Bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay 2016-kii, waxa uu muddo ku dhow labo asbuuc ku bixiyay daaweyn caafimaad gudaha magaalada London. Buhari ayaa Madaxweyne loo doortay sanadkii 2015-kii.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*