Madaxweynaha Nayjeeriya Muxamadu Buhari oo markale arrimo caafimaad u aadi doona dalka Ingiriiska

Madaxweynaha dalka Nayjeeriya Muxamadu Buhari. [Sawirka: Archive]
Abuja-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Nayjeeriya Muxamadu Buhari ayaa arrimo caafimaad u aadi doona magaalada London ee dalka Ingiriiska asbuucaan gudihiisa, sida uu sheegay afhayeenkiisu, balse ma uusan sheegin faahfaahin ku saabsan xanuunka haya Madaxweynaha oo 74-sanno jir ah.

“Madaxweyne Buhari waxa uu tagi doonaa London caawa si uu dib u eegis ugu sameeyo la talinta caafimaad ee dhakhtarkiisa. Waxa uu qorshuhu ahaa in uu tago galabta Axada, balse waxa uu qorshaystay in uu joogo wakhti yar, imaanshaha 82 gabdhood oo ay sii daysay Booko Xaaraam darteed, kuwaasoo yimid Abuja,” ayuu bayaan ku yiri afhayeenku.

“Wakhti joogista Madaxweynaha ee London ayaa waxaa qeexi doona dhakhaatiirta. Dowladdu waxay sii wadi doontaa shaqadeeda caadiga ah iyadoo uu xilka si hayn doono Madaxweyne Ku Xigeenka.” Ayuu ku daray.

Warbaahinta Nayjeeriya ayaa asbuucyadii u dambeysay si aad ah uga hadlaysay xaalada caafimaad ee Madaxweyne Buhari.

Asbuucii lasoo dhaafay, marwada kowaad ee dalka Nayjeeriya Caasha Buhaari ayaa sheegtay in saygeeda uusan u xanuunsanayn sida dadka ay moodeen, sida ay ku qortay bogga Twitter-ka.

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee Maarso, ayuu Buhari dalka ku noqday kadib todobo asbuuc oo uu fasax caafimaad u joogay gudaha dalka Ingiriiska halkaas oo looga daaweeyay xanuun aan la sheegin.

Waxa uu ka maqnaa labadii kulan ee golaha wasiiradda sidoo kale waxaan lagu arag salaadihii Jimcada ee u dambeeyay ee masaajiidka oo kuyaala aqalka madaxtooyada.

Wasiirka Warfaafinta Nayjeeriya Lai Mohammed ayaa asbuucii lasoo dhaafay warbaahinta u sheegay in caafimaadka madaxweynuhu uu yahay “arrimo shakhsiyadeed”.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*