Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo xaqiijiyay in uu wada-hadal ku saabsan colaada Gaalkacyo la yeeshay madaxweynaha Puntland

guuleed
Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed. [Sawirka: Archive]
Cadaado-(Puntland Mirror) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa xaqiijiyay in ay wada-hadal yeesheen madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayna wada-gaareen heshiis hordhac ah oo lagu joojinayo colaadada magaalada Gaalkacyo laguna bilaabayo wada-hadalo dhexmara labada dhinac.

“Arrinta ku saabsan dagaalada, rabshadaha iyo colaada magaalada Gaalkacyo ka taagan waxaan ku heshiinay in ergo wasiiro ah oo dhankiisa ka socda uu soo diro anana ergo wasiiro ah oo dhankeena ka socda aan dirno… labadii ergana hadda waxay wada joogaan magaalada Gaalkacyo, maanta xiriiradii ugu horeeyay ayay sameeyeen, waxay rajaynayaa beri in ay horumar ka sii gaari doonaan sidii xabad joojin loo samayn lahaa arrinta ayada ah iyo xasaradaasna loo joojin lahaa.” Ayuu yiri Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhaweynayay xubnaha aqalka sare ee maamulka Galmudug u matali doona federaalka oo lagu qabtay magaalada Cadaado.

Warsidaha Puntland Mirror oo soo xiganaya ilo-wareed ku dhow madaxweynaha Puntland ayaa shalay oo Isniin ahayd daabacay in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo kan Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ay khadka taleefoonka wada-hadal ku yeesheen maalintii Axada ee lasoo dhaafay, labada madaxweyne ayaa isku raacay in la sameeyo xabada joojin deg deg ah, sida ilo-wareedka ay u sheegeen Puntland Mirror.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*