Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya oo kulan la qaatay danjireyaal ka socda beesha caalamka

Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya oo  kulan la qaatay danjireyaal ka socda beesha caalamka. [Sawirka: Twitter]
Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya oo kulan la qaatay danjireyaal ka socda beesha caalamka. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha la doortay ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Khamiis ah kulan kula yeeshay gudaha magaalada Muqdisho safiiro ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Safiirada ayaa madaxweynaha la doortay gaarsiiyay dhambaalo hambalyo ah oo ay ka wadeen dalalkooda, iyaga oo balanqaaday in ay la shaqayn doonaan madaxweynaha.

Farmaajo ayaa shalay oo Arbaco ahayd waxaa loo doortay madaxweynaha cusub ee dalka.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu la wareego xafiiska Villa Soomaaliya.

About Puntland Mirror 839 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*