Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo beeniyay in Ruushka uu saameyn ku lahaa doorashadiisa

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo beeniyay in Ruushka uu saameyn ku lahaa doorashadiisa. [Sawirka: Getty Images]
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump oo beeniyay in Ruushka uu saameyn ku lahaa doorashadiisa. [Sawirka: Getty Images]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa si caro leh uga jawaabay eedaha sheegaya in Ruushka uu ku lug lahaa guushiisa, isaga oo sheegay in Moscow aysan marna wax saamayn ah ku yeelan isaga.

Mr Trump ayaa ku cambaareeyay haayadaha sirdoonka Mareykanka sida ay u ogolaadeen wararka beenta ah ee bulshada loo sheegayo, isaga oo is-weydiiyay: “Ma waxaanu ku noolnahay Naasigii Jarmalka?”

Ruushka ayaa sidoo kale si xanaaq leh uga soo horjeestay eedaahaas.

Dmitry Peskov, oo ah afhayeenka Madaxweyne Putin ayaa sheegay in eedahaas ay yihiin wax aan sal iyo raad toona lahayn, kuwaasoo si cad u muujinaya in ay dhibaatayn karaan xiriirka labada dal.

Qoraalo taxane ah ayuu boggiisa Twitter-ka Donald Trump ku sheegay: “Ruushka waligood iskuma ay dayin in ay saameyn ugu yeeshaan. Ana waxba kuma samayn Ruushka. Ma jiraan wax heshiis ah, ma jiraan wax deymo ah, waxna ma jiraan!

“Waxaan si fudud ugu guuleystay doorasho, waxay ahayd dadaal balaaran oo cad, mucaarad qalloocan ayaa isku dayaya in uu warar been ah ku carqaladeeyo guushayada.”

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa 20-ka bishaan Janaayo si rasmiya u la wareegi doona xafiiska Aqalka Cad.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*